Maxaa Ka cusub Garowe, Xaalada Amniga iyo Isu socodka Dadka.

1 min read

Xaalada Magaalada Garowe caasimadda maamulka Puntland ayaa degen ka dib is rasaaseyn xalay halkaasi ku dhexmartay ciidamada maamulkaas iyo ciidan kale oo ilaalo u ahaa hoolka uu ku shiro baarlamanka isla maamulkaasi.

Wararka saaka ka imanaya Garowe ayaa sheegaya in si caadi ah ay u bilowdeen isu socodka ganacsiga, dadweynaha iyo gaadiidka balse la dareemayo xaalad kacsanaan iyo isu muuqasho siyaasadeed oo ka dhextaagan madaxda sar sare ee labada gole maamulkaas.

Sida aynu ku heyleyno faah faahinada soobaxaya xildhibaano ka tirsan Baarlamanka maamulkaas ayaa la diyaariyay si ay xilka uga qaadaan gudoomiyaha baarlamanka kuwaas oo haatan ku qul qulaya hoolka baarlamanka.

wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco wararka xiga ee VOS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com