Israsaaseyn Socotay Nussaac oo caawa ka dhacday Garowe.

1 min read

Sida ay ku soo waramayaan wararka ka imanaya magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland is rasaaseyn ayaa caawa ka dhacday Xarunta baarlamanka Puntland ee isla magaalada caasimada ah ee Garoowe.

Wariye yaal ku sugan Garowe ayaa u xaqiiyay VOS in is rasaaseyntu socotay mudo ka badan 20 daqiiqo iyadoo aan ilaa iyo haatan la aqoonin cida rasmiga ah ee ka dambeysay .

Waxa kale oo la xaqiijinayaa in rasaasta dhacday ay u badneed mid la huwiyay golaha baarlamanka maamulkaasi iyadoo anan weli la soo sheegin cid ku waxyeelowday.

Wararka isa soo taraya ayaa sheegaya in Weerarkan ay ka dambeysay xurguf maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosaneyd labada gole ee maamulka Puntland.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com