Published On: Wed, Nov 6th, 2019

Faah faahin iyo xaalka garowe sida uu yahay

Share This
Tags

Sida ay nooxaqiijinayaan wariye yaal madax banaan oo ku sugan Garowe hal askari ayaa ku dhintay ku dhowaad 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas caawa ka dhacday Baarlamanka Puntland.

ciidan aan heybtooda la aqoon balse ku hubeysan gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa weerarka ku qaaday baarlamanka, waxaana rasaasta ay kuwiyeen ku dhintay Hal askari oo ka mid ahaa askarta ilaalada ka hayay hoolka baarlamanku ku shiro

Inkastoo aan weli la heyn faah faahin buuxda balse siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan baarlamanka ayaa laga soo xiganayaa in weerarkaasi uu ahaa mid lagu damacsanyahay golaha baarlamanka si loo carqalad geliyo kulamada kalfadhiga 45naad ee ka socda baarlamanka.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo ifbaxayay xurguf ka dhexeysa baarlamanka iyo xubnaha sar sare ee xukuumadda Puntland sida madaxweynaha iyadoo ay warbaahinta qaar baahinayeen in qilaafuku isku bedelay mooshin laga keenay labada dhinac midkood.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>