wariye lagala baxay gurigiisa degmada wanlaweyn

1 min read

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta gurigiisa kala baxay Wariye ka tirsan Idaacadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo u kaxeystay meel aan la garaneyn.

Wariyaha gurigiisa lagala baxay ayaa lagu magacaanayay Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ahaa Maamulka Idaacadda Wanlaweyn.

Lama oga sababaha ay Ciidamada gurigiisa ugala baxeen Wariyaha, waxaana dadka reer Wanlaweyn ay hadal hayaan dhacdadan.

Idaacadda Wanlaweyn ayaa ka mid idaacadaha maxaliga ee ka howl galaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee tacadiyada loogu geyso Wariyeyaasha, waxaana sanadihii u dambeeyay Wariyeyaasha ay dhibane u ahaayeen dhinacyada iska soo horjeedo Siyaasadda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com