Connect with us

Banaadir

DIYAARADO WARQADO DIGNINO AH KU DAADIYAY QEYBO KAMIDA LABADA SHABELLE

Published

on

Diyaarado dagaal ayaa degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan xoogaga hubeysan ee alshabaab ayaa waxa ay maanta ku daadiyeen warqado digniin ah oo ku socota dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Dadka qaarkood ayaana midkamida idaacadaha madaxa banaan u sheegay inay arkeen Diyaarado dagaal oo dul heehaabaya degaano labadan gobol ka kala tirsan.

Tuulooyinka ay Diyaaradahan dagaal warqadaha ku daadiyeen ayaa waxaa ka mid ah tuulada Basra oo dhawr iyo Toban KM dhinaca Galbeed ka xigta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dgemada Basra ayaa waxa ay waxa ay ka mid tahay goobaha ay maamulaan Ururka Al Shabaab, warqadaha ay Diyaaradahan daadiyeen ayaa waxa ay shacabka uga digayaan inay ka agdhawaadaan goobaha ay Shabaab ku sugan yihiin.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaanadan ayaa waxa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi ku aadan in diyaaradahan ay duqeyn geystaan, xilli aanan laga warqabin.

Si arrintan aan wax badan uga ogaano waxaanu xiriir la sameynay masuuliyiinta Hirshabeelle, balse waxay ka jawaabi waayeen wicitaanadeena.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Banaadir

Cajiib Dil laga Been Abuuray Wariya Caan Ah Oo Lagu Badbaadiyay Dad Badan

Published

on

sida aan kasoo xiganay BBC da Arkady Babchenko oo ah wariye u dhashay dalka Ruushka ayaa indhaha caalamka qabsaday dhamaadka bishii May ee sanadkan, kadib markii isaga iyo laamaha ammaanka ee dalka Ukraine ay ka been shegeen dhimashadiisa.

Mr Arkady ayaa waxaa uu ka shekeeyay wixii xiligaasi dhacay, isagoo na tilmaamay in nin katirsanaa madhabta qibdiyiinta oo lagu magacaabo Oleksiy Tsymbaliuk uu qeyb ka ahaa qorshaha ay malegeen ciidammada ammaanka ee Ukraine, kaasi oo ay shegeen in looga hortagayay dilal qorsheysanaa.

.

Ciidammada Ukraine ayaa waxaa ay shegeen in arrintan ay u sameyeen, si loo fashilo doorka Ruushka uu ku leeyahay dilalaka qorsheysan ee ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda.

Dhamaadka bishii May ayay aheyd markii warka ku saabsan in wariye Arkady Babchenko oo ahaa nin aad u dhaliila siyaasadda madaxweyne Putin la sheegay in la dilay, waxaana laga warhelay isagoo ku dhexjira barkad lagu qubeysto oo ku taala guri uu ka degenaa magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Xiliga la sameynayay dilka been abuurka ah waxaa warbaahinta caalamka qabsaday sun la qaadsiiyay nin u dhashay dalka Ruushka iyo gabar uu dhalay oo lagu sumeeyay magaalada Salisbury ee dalka Ingiriiska, taasi oo keentay in dadku ay u fasirtaan in arrintan uu Ruushka ku lug leeyahay.

Saacado un kadib, dhimashada laga been abuuray ee wariyaha ayaa waxaa ku kadsoomay golaha ammaanka ee Qaramada midoobay oo ka hadlay, waxaase la yaab noqotay markii ra’iisul wasaraaha Ukraine uu dalka Ruushka ku edeeyay dilka weriyaha, taasi oo markii dambe wajigabax ku noqotay xukuumadda dalkaasi, kadib markii weriye Arkady uu ka soo muuqday shir jaraa’d isagoo badaqaba.

Haddab baaritaan ay BBC-du ku sameesay arrintan ayaa lagu ogaaday waxyaba badan oo ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen.

Haddii uusan aheyn Oleksiy Tsymbaliuk, waxay u muuqan laheyd in la dili lahaa weriye Arkady Babchenko oo lagaa ba yaabo in loo adeegsan lahaa dad kale oo khaarajiya.

Horantii sanadkan ayaa Mr Oleksiy Tsymbaliuk waxaa lasoo xiriiray ninka sawirkiisu uu hoos ka muuqda oo ay horay isu yaqiinen, kaasi oo katirsanaa shirkad sameysa hubka oo lagu magacaabo Borys Herman.

.

Waxaa uu sheegay in ninkan uu ka dalbday inuu dilo dhowr qof oo uu sheegay inay yihiin dad cadaw ah, waxaana intaa loo raaciyay in dhaqaalihii lagu fulin lahaa dilalka ay diyaar yihiin.

Mr Oleksiy Tsymbaliuk oo fahansan xaaladda ayaa isago muusoonaya waxaa uu aqbalay dalabkii, waxaana markii dambe uu maclumaadka ku saaban arrintan uu la wadaagay laamaha ammaanka ee dalka Ukraine.

Hasayeshee ciidammada Ukraine ayaa iyagoon cidna la wadaagin arrinkan waxaa ay go’aansadeen inay sameyaan qaab lagu been abuuri karo dilka mid kamid ah dadka la bartilmaameedsanayay, si loo soo qabto kuwa raba inay dilka geystaan iyo qorshahooda.

Booliska dalkaasi ayaa markii dambe waxaa ay xiriir dhaw la sameyeen ninka loo soo igmaday inuu wax dilo, si loo ogaado waxa ay damacsanyihiin.

Markii uu soo baxay warka sheegaya in wariyihii la dilay aya ninka loo igmaday inuu dilka fuliyo waxaa uu farrin qoraaleed u diray ninkii maleegayay dilka, isagoo na u sheegay inuu fuliyay dilka, waxaana qorshuhuu uu ahaa inay kulmaan isaga iyo Oleksiy, si looga wada hadlo waxa hagaagay iyo qorshaha xiga ee lagu khaarajinayo dhowrka qof ee kale.

Meel katirsan magaalada Kiev ayay ku ballameen, hasayeshee Mr Oleksiy Tsymbaliuk ayaa ku wargeliyay ciidammada SBU-da ee Ukraine waxa dhexmaray isaga iyo ninka ay ballameen.

Booliska Ukraine ayaa markii dambe gacanta kusoo dhigay ninka hoos idin kaga muuqda ee doonayay in la dilo dhowrka qof, waxaana sidaasi lagu badbaadiyay dhowr qof oo qorshuhu ahaa in la dilo, iyadoo la adeegsnaayo dad kale.

.
 

Continue Reading

Banaadir

QILAAFKII GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO REYSULWAZARE KHEYRE OO CIRKA ISKU SII SHAREERAY

Published

on

Kadib markii maamulka gobolka banaadir loosoo jeediyay dhaliilo kala duwan oo dhowr ah ayaa waxaa si aada usoo shaac baxay qilaaf si hoose kaga dhaxeeyay reysulwazaaraha dalka mudane xasan cali kheyre iyo gudoomiyaha gobolka banaadir

 

Arintaan ayaa waxaa ey soo ifbaxday kadib markii odayaasha kasoo jeeda gobolka banaadir ey gudoomiyaha gobolka ku eedeeyeen in uu musuq maasuq ka wado aqalka dowlada hoose ee xamar

Wararka qaarkood ayaana si hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiye yariisow macquul tahay in uu iscasilo ama xilka laga qaado bishan soo socota

Qilaafkaan ayaana waxaa uu yimid kadib markii qilaaf kale oo hoose uu hore usoo kala dhax galay xukuumada reysul wazaare kheyre xafiiska madaxweynaha dalka

Continue Reading

Banaadir

Gaas iyo Keating oo isla gorfeeyay xaaladda Tukaraq iyo Is horfadhiga Somaliland iyo Puntland

Published

on

By

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating.

Kulanka ayaa looga wada hadlay, Nabadaynta Gaalkacyo, Nabadgalyada guud ee dalka, shaqada hay,adaha UN-ku ka hayaan wadanka, iyo dagaalka tukaraq ee Somaaliland & Puntland

MD Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen asaga iyo Danjire Michael Keating xaalada Tukaraq waxaana uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay Danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaalada deegaanka Tukaraq oo uu Maamulka Soomaaliland kusoo duulay, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland katirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda, sida lagu sheegay qoraal ka soo Baxay Madaxtooyada Garowe.

Continue Reading

Trending