RW Kheyre oo goor dhow kuwajahan Adis Ababa iyo laba masuul oo saameyn leh oo safar qarsoodi Adis ababa kujooga

1 min read

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo jimco ah booqasho ku tagi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaaneyso maalmo kaddib markii ay Addis Ababa safar qarsoodi ah ay ku tageen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyeen Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan.

Safarkaas ayaa loo arkayay mid ahmiyad gaar u ahaa dowladda Soomaaliya, iyadoo dowladda Itoobiya ay hordhigeen arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada Gobolka, heshiiskii Dekeda Berbera iyo xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo mugdi galay.

Wararka ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ee Addis Ababa uu daba socdo safarkii Mas’uuliyiintaas ku tageen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiye Abiy Ahmed, oo horaantii bishii April la wareegay Xafiiska, kaddib is casilaadii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn.

Itoobiya ayaa galaan-gal badan ku leh siyaasadda Soomaaliya, iyadoo xiriir dhow la leh maamul goboleedyada deriska la ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com