Connect with us

Wararka

Daawo:Amiirka Alshabaab Abuu Cubeyda oo fariin uu soo diray ku weeraray Saddex Dowladood Yaa kamid ah

Published

on

miirka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo fariin maqal ah soo diray ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo dagaalka ay kooxdiisu kula jirto dowlada Somalia.

Fariintan oo la dhageysan karo muddo 22 daqiiqo ah, ayuu Abuu Cubeyda si kulul ugu weeraray madaxda dowlada Somalia iyo baarlamanka federaalka.

https://www.facebook.com/qaasim.omar.121/videos/118642949013593/?t=0

Waxaa inoo muuqaneysa in dhowr boqol oo daneystayaal ah, sheegtana inay sharci dajiyeyaal yihiin ay masiirka Umadeena u gacan gelinayaan shisheeye, waa koox yar oo Allaah ku heysata talada iyo xukunka iyo xaqqa tashriica ee uu la gaarka yahay, Waa gole calooshood u shaqeystayaal ah oo shuruucda ay dajiyaan dalka u horseeday inuu galo maxmiyad, iyo in dhulkii uu beylah u noqdo cadowga Umadani lahayd. Waa gole dalka u gacan gelinaya cadowgeena soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waxay barratan ugu jiraan sidii ay u hirgelin lahaayeen hanka siyaasadeed ee gumeystuhu ka damacsan yahay bulshadeena Muslimka ah. Waa golaha doortay hogaamiye bilaash xeyte ah, kasxumo iyo garaad la’aana ku caanbaxay, Kampala accrod-na ku garaadsaday” ayuu yiri abuu Cubeyda.

Mar uu soo hadal qaaday Khilaafkii ugu dambeeyey ee hareeyey baarlamanka dowladda Federaalka ayuu Shiikh Abuu Cubeyda tibaaxay in isqabqabsigaas uu banaanka soo dhigay wax uu ugu yeeray damaca liita iyo damiir xumada xildhibaanada iyo awoodaha gumeysi ee hadda ku loolamaya boobka hantida iyo kheyraadka dadka Soomaaliyeed.

“Wuxuu sidoo kale Khilaafku soo muujiyey laba awoodood oo ka mid ah awoodaha majaraha u haya hogaanka ridada, saameyntana ku leh gumeysiga dalka uu ku jiro, waxaa isweydiin mudan waxa lagu kala dooranayo Jawaari iyo Mursalka Turkiga ee loo doortay Baarlamaanka, waxaa sidoo kale in la isweydiiyo mudan waxa lagu kala dooranayo Turkiga iyo Imaaraatka, sow labadan dowladood ma ahan kuwa dhibaatada ba’an ku haya dalkeena, kana hortaagan in Umaddan ay isku filnaansha gaarto.” ayuu yiri abuu Cubeyda.

Dowladaha Turkiga iyo Imaraadka ayuu ku eedeeyey iney qeyb ka yihiin duulaan uu sheegay in lagu soo qaaday Somalia.

“Turkiga oo qeyb ka ah huwanta saliibiyada ah ee NATO ayaa ku takrifalaya dhaqaalaha dalka, wuxuu gacanta ku dhigay Dekada iyo Airport-ka, wuxuu dalka ka hirgeliyey saldhig military oo uu ku ilaalsanayo boobka dhaqaalaha dalkeena, waana saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan ee uu dunida ku leeyahay sida la ogyahay. sidoo kale Imaaraatka ayaa baratan adag ugu jira siduu gacanta ugu dhigi lahaa Dakadaha ka baxsan Muqdisho, Talisyo ciidanna ugu yeelan lahaa badda Cas, waxay labada dowladoodba [Turkiga iyo Imaaraatka] sabab u noqdeen dhismaha ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo iyaga ka amar qaata. Danta ay ka leeyihiina waa in Umadda lagu xasuuqo, Hantideedana lagu boobo” ayuu sidoo kale yiri amiirka Al-shabaab.

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheykh Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday guulaha ka soo hoyeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada iyo AMISOM.

“Waxaa Allaah mahadiis ah in awooddii gaalada la wiiqay, ku dhawaad 200 oo ka tirsan ciidamada AMISOM-na la dilay muddo ka yar saddex bilood, tira intaas ka badana la dhaawacay, Allaahu Akbar, waa nimco mudan inaan Allaah uga mahad celino” ayuu yiri Shiikh Abuu Cubeyda oo intaas in ciidamada AMISOM ay noqdeen kuwo xeryahooda ku go’doonsan oo aan soo dhaafi Karin.

Waxaa uu shacabka ugu baaqay iney dalkooda ka saaraan ciidamada shisheeye ee sida uu sheegay ku soo duulay, isagoo Xoogaga Al-shabaab ku booriyey iney sii xoojiyaan dagaalka.

 

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

alshabaab oo hobiyeyaal ku tuuray garoon ku yaal sh/hoose

Published

on

inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday madaafiic alshabaab ey ku tuureen garoon halkaas ku yaala

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeyaasha ayaa lagu weeraray Garoon ku yaalla Duleedka Magaalada.

Xilliga ay hoobiyeyaasha Shabaab ay kusoo ridaayeen Garoonka ayaa waxaa ku sugneyd Diyaarad Helicopter ah

Continue Reading

Wararka

wazaarada xanaanada xoolaha oo amaro adag kasoo saartay xoolaha lagu qalo muqdisho maalmaha ciida

Published

on

Iyada oo ay fooda Nagu soo heydo Maalmaha Eida Adxa oo ay Umada Muslimiinta  ay qalaan Xoolo Badan ayaa Wasaarad Xanaanada xoolaha Soomaaliya  waxa ay Amar kazoo Saartay  xoolaha Lagu dhaxqalayo Caasimida

Maxamed Cumar  oo ah agaasimaga Guud ee wasaarada Xanaanada Xoolaha soomaaliya oo Warbaahinta kala Hadalay xarunta wasaarada ayaa sheegay in ay ka dhalan karan  Cudro  kala Duwan

Dhanka kale Agaasimaha  Hay.ada Caafimaadka Xoolaha Aduunka ee Soomaaliya oo isna Ka hadalay  Madasha   waxa uu sheegay in dhibaatooyin Badan laga dhaxlay Xoolihii Horay magaalada lagu dhaxaqalay  iyada oo Magaalada Ay ku kuyaalan Kuwaano Xoolaha lagu  qalo oo ay dowlada iyo shirkadao Ganacsi ay sameeyeen  iyada oo uu warbaahinta uu lwadaagay Bayayaan ka kooban dhowr qudub

Wasaarada  xanaanada Xoolaha maxamed Cumar iy o Agaasimaha  caafimaada xoolaha aduunka  ee somaaliya faarax maxamed Ali

Continue Reading

Wararka

wariye lagala baxay gurigiisa degmada wanlaweyn

Published

on

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta gurigiisa kala baxay Wariye ka tirsan Idaacadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo u kaxeystay meel aan la garaneyn.

Wariyaha gurigiisa lagala baxay ayaa lagu magacaanayay Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ahaa Maamulka Idaacadda Wanlaweyn.

Lama oga sababaha ay Ciidamada gurigiisa ugala baxeen Wariyaha, waxaana dadka reer Wanlaweyn ay hadal hayaan dhacdadan.

Idaacadda Wanlaweyn ayaa ka mid idaacadaha maxaliga ee ka howl galaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee tacadiyada loogu geyso Wariyeyaasha, waxaana sanadihii u dambeeyay Wariyeyaasha ay dhibane u ahaayeen dhinacyada iska soo horjeedo Siyaasadda Soomaaliya.

Continue Reading

Trending