Connect with us

Wararka

Ciraaq: Isbahaysiga Muqtadaa Sadir oo ku guulaystay doorashadii baarlamanka

Published

on

Isbahaysiga uu hogaamiyo wadaadka Shiicada ah ee Muqtadaa Sadr ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamanka Ciraaq.

Natiijada kama dambaysta ah ee gudida doorashooyinku soo saaray ayuu isbahaysiga Saa’iruun ka helay 54 kursi, halka xisbiga ra’isal wasaaraha talada haya ee Xaydar Al-Cabbaadi uu ku galay kaalinta saddexaad 42 kursi.

Sadr oo mudo dheer ka soo horjeeday Maraykanka ayaan noqon doonin ra’isal wasaare [in kasta oo isbahaysiga guulaystay uu hogaamiye u yahay] maadaama oo aanu isku sharixin. Laakiin waxa la filayaa in uu door wayn ku yeesho xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono.

Muqtadaa Sadr wuxu isku dhigay inuu yahay nin musuqmaasuqa la dirira, waxaanu magaciisu soo shaac baxay markii maleeshiyada uu hogaaminayay dagaalka kala hortageen ciidamadii Maraykanka ee Ciraaq galay sanadkii 2003-dii. Sidoo kale waa nin aad u dhaliila Iran.

Doorashooyinkani waa kuwii ugu horeeyey ee la qabto tan iyo intii Ciraaq ku dhawaaqday in ay ka guulaysatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka bishii Diisember.

Taageerayaasha Muqtadaa Sadr oo damaashaadayaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTaageerayaasha Muqtadaa Sadr oo damaashaadaya

Weli waxa jooga Ciraaq 5000 oo askari oo Maraykan ah oo taageerayey ciidamada dalkaas ee la dagaalamayey kooxda Daacish.

Isbahaysiga Saa’iruun ee uu ka midka yahay xisbiga Istiqaama ee Sadr waxa kale oo ka mid ah lix kooxood oo badankoodu yihiin Cilmaaniyiin oo uu ku jiro xisbiga Shuuciga ah ee Ciraaq.

Dhanka kalena, inkasta oo xisbiga Ra’isal Wasaare Cabbaadi aanu guul wayn ka soo hoyn doorashada, ayaa waxa suurto gal ah inuu hadana mar kale noqdo ra’isal wasaare maadaama oo ay socdaan wadahadallo lagu soo dhisayo xukuumadda cusub oo muddo sagaashan cisho gudahood ah lagu soo dhamaystiri doono.

In ka badan laba milyan oo qof oo Ciraaqiyiin ah oo ku barakacay gudaha dalka ayaa ilaa haatan ku filiqsan daafaha wadanka, kooxda la baxday Dawladda Islaamkuna, in kasta oo dhulkii ay ka talin jirtay laga qabsaday, weli may joojin weerarradeedii.

Dadka u soo baxay codbixinta doorashada baarlamanka ayaa ahaa boqolkiiba 44.5 dadkii diiwaan gashanaa, waana mid aad uga hoosaysa tirada dadkii u soo baxay codbixinta doorashooyinkii hore.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

alshabaab oo hobiyeyaal ku tuuray garoon ku yaal sh/hoose

Published

on

inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday madaafiic alshabaab ey ku tuureen garoon halkaas ku yaala

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeyaasha ayaa lagu weeraray Garoon ku yaalla Duleedka Magaalada.

Xilliga ay hoobiyeyaasha Shabaab ay kusoo ridaayeen Garoonka ayaa waxaa ku sugneyd Diyaarad Helicopter ah

Continue Reading

Wararka

wazaarada xanaanada xoolaha oo amaro adag kasoo saartay xoolaha lagu qalo muqdisho maalmaha ciida

Published

on

Iyada oo ay fooda Nagu soo heydo Maalmaha Eida Adxa oo ay Umada Muslimiinta  ay qalaan Xoolo Badan ayaa Wasaarad Xanaanada xoolaha Soomaaliya  waxa ay Amar kazoo Saartay  xoolaha Lagu dhaxqalayo Caasimida

Maxamed Cumar  oo ah agaasimaga Guud ee wasaarada Xanaanada Xoolaha soomaaliya oo Warbaahinta kala Hadalay xarunta wasaarada ayaa sheegay in ay ka dhalan karan  Cudro  kala Duwan

Dhanka kale Agaasimaha  Hay.ada Caafimaadka Xoolaha Aduunka ee Soomaaliya oo isna Ka hadalay  Madasha   waxa uu sheegay in dhibaatooyin Badan laga dhaxlay Xoolihii Horay magaalada lagu dhaxaqalay  iyada oo Magaalada Ay ku kuyaalan Kuwaano Xoolaha lagu  qalo oo ay dowlada iyo shirkadao Ganacsi ay sameeyeen  iyada oo uu warbaahinta uu lwadaagay Bayayaan ka kooban dhowr qudub

Wasaarada  xanaanada Xoolaha maxamed Cumar iy o Agaasimaha  caafimaada xoolaha aduunka  ee somaaliya faarax maxamed Ali

Continue Reading

Wararka

wariye lagala baxay gurigiisa degmada wanlaweyn

Published

on

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta gurigiisa kala baxay Wariye ka tirsan Idaacadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo u kaxeystay meel aan la garaneyn.

Wariyaha gurigiisa lagala baxay ayaa lagu magacaanayay Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ahaa Maamulka Idaacadda Wanlaweyn.

Lama oga sababaha ay Ciidamada gurigiisa ugala baxeen Wariyaha, waxaana dadka reer Wanlaweyn ay hadal hayaan dhacdadan.

Idaacadda Wanlaweyn ayaa ka mid idaacadaha maxaliga ee ka howl galaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee tacadiyada loogu geyso Wariyeyaasha, waxaana sanadihii u dambeeyay Wariyeyaasha ay dhibane u ahaayeen dhinacyada iska soo horjeedo Siyaasadda Soomaaliya.

Continue Reading

Trending